20-Ka Xiddig Ee Ugu Fiicnaa Kubadda Cagta Adduunka Tobankii Sano Ee Ugu Dambeeyey Oo La Shaaciyey

19 total views, 1 views today

Waxaa Todobaadkan Lagu Dhawaaqay Qiimeynta Sanadlaha Ah Ee Goal50, Taasoo Lagu Soo Doortay 50-Ka Ciyaaryahan Ee Sanadka 2017 Ugu Fiicnaa Kubadda Adduunka.

Abaal-Marinta Goal 50 Waxaa Sanadkan 2017 La Guddoonsiiyey Oo Loo Gartay Inuu Ahaa Ciyaaryahankii Sanadka Ugu Fiicnaa Kubadda Cagta Cristiano Ronaldo, Waxaana Uu Ku Garaacay Abaal-Marinta Xiddigo Uu Ku Jiro Lionel Messi, Kaasoo Sanadkii Labaad Oo Xiriir Ah Seegay Abaal-Marintan.

Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo Ayaa Horay Min Afar Jeer Ugu Soo Guulaystay Abaal-Marinta Goal 50, Laakiin In Ronaldo Uu Sanadkan Ku Guulaystay Codbixintii La Sameeyay Ayuu Ku Noqday Xiddigii Ugu Horreeyay Ee Shan Jeer Hantay Abaal-Marintan Goal 50.

Si Kastaba Ha Ahaateen Shabakadda Warqaat.Com Ayaa Bixisa Abaal-Marintan Sanadlaha Ah Waxaana Ay Aas-Aastay Sanadkii 2008.

warqaat.Com Ayaa Dhanka Kale Sheekada Ka Eegtay Haatan Oo U Weecatay Inay Dib U Milicsato Codbixintii La Sameeyey Min 2008 Illaa 2017, Iyagoo Soo Saaray Qiimeyn Cusub Oo Muujinaysa Kuwa Ay Ahaayeen 20-Ka Xiddig Ee Isugeyn Helay Codadkii Ugu Badnaa Tan Iyo Markii La Bilaabay Bixinta Abaal-Marintan Ku Dhawaad Muddo 10 Sano Ah.

  1. LIONEL MESSI (488 Cod)
  2. CRISTIANO RONALDO (485 Cod)
  3. ZLATAN IBRAHIMOVIC (329 Cod)
  4. ANDRES INIESTA (295 Cod)
  5. LUIS SUAREZ (262 Cod)
  6. XAVI (234 Cod)
  7. NEYMAR (231 Cod)
  8. SERGIO RAMOS (228 Cod)
  9. ROBERT LEWANDOWSKI (205 Cod)
  10. THOMAS MULLER (199 Cod)
  11. ARJEN ROBBEN (177 Cod)
  12. ARTURO VIDAL (176 Cod)
  13. GARETH BALE (175 Cod)
  14. SERGIO AGUERO (166 Cod)
  15. GIANLUIGI BUFFON (162 Cod)
  16. WAYNE ROONEY (160 Cod)
  17. MANUEL NEUER (157 Cod)
  18. DANI ALVES (150 Cod)
  19. PHILIPP LAHM (142 Cod)
  20. GONZALO HIGUAIN (138 Cod)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.