12-Sano Jir Taargo Gaari Ka Bixiyay Lacag Dhan 400-Kun Oo Dollar…

21 total views, 2 views today

Warbaahinta Dalka Imaaraatka Carabta Ayaa Aad U Hadal Haysa Wiil Arday 12-Sano Jir Ah Oo Lacag Waali Ah Ka Bixiyay Taargo Gaari Oo Lagu Soo Bandhigay Carwo Kutaala Magaalada Abu Dubai.

Khalifa Al Masru Oo Ah Wiil 12-Sano Jir Ayaa Taargo Gaari Oo Numberkeedu Yahay 1111 Ka Bixiyay Lacag Dhan 400-Kun Oo Dollar, Waxaana Lacagtan Qeyb Kamid Ah Wiilkna Ka Helay Tartan Quraan Aqris Ah Uu Ku Guuleestay Halka Inta Kalana Uu Aabihiis Ka Bixiyay.

Gaarigan Loo Gaday Taargada Qaali Ah Oo Nuuciisu Yahay Mercedes Ayaa Ah Gaari Wiilkan Yar Iskuulka Lagu Geeyo, Wiilkan Ayaana Nasiib U Laheyn In Uu Gacantiisa Ku Wato Gaarigaasi Qaaliga Ah Maadaama Da’diisa Ka Yartay 18-Sano.

Booliiska Magaalada Dubai Ayaa Soo Bandhigay Carwadan Lagu Iibsanayo Taargooyin Tirsigooda Uu Fududyahay Ama Yahay Nambaro Isku Aadan, Iyada Oo Ujeedka Xaraashka Uu Yahay In Lacag Loogu Uruuriyo Ciidammada Booliiska.

Cawradan Lagu Iibinayay Taargada Qaali Ah Ayaa Sidoo Kale Lagu Iibsaday Taargo Numberkeedi Yahay No.2, Waxaana Taargan Lagu Iibsaday Lacag Gaareysa $2.7 Milyan Doolar.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.