Soo Diridii Rasuulka (N.N.K.H) Iyo Qeybtii -9

Soo Diridii Rasuulka (N.N.K.H)

219 total views, 1 views today

Wixii Ugu Horeeyey Ee Nabiga Lagu Bilaabay Waxay Ahayd Riyo Cad Oo Uu Arko Subaxa Sidii Uu Ugu Arkay Riyada.

Nabiga Waa Ka Dheeraada Goobaha Ay Gaaladii Reer Qureesh Ku Caabudijireen Sanamyada, Waxa La Jeclaysiiyey Khalwada Iyo Inuu Ka Dhex Baxo Meelaha Dadku Joogaan, Waxa Uu Fadhiisan Jiray God Ku Yaalay Buur Waa Godka Xiraa’. Xaaskiisa Khadiija Ayaa Nabiga U Keenaysay Cunto Iyo Saadka Uu Ubaahan Yahay. Nabiga (N.N.K.H) Intuu Ku Jiray Godka Waxa Uu Ka Fakarayey Makhluuqaadka Eebe.

Markuu Nabigu Buuxiyey Sanadkii 40 Aad, Ayaa Maalin Si Kadis Ah Usoo Galay Nabiga Nin Kadibna Waa Qabtay Oo Ciijiyey Kuna Dhahay Akhri, Nabigu Waa Fajacay Waxaanu Yidhi Anigu Waxna Ma Akhriyo, Hadana Waa Qabtay Oo Ciijiyey Kuna Yidhi Akhri, Markii Sadexaad Ayuu Qabtay Nabiga Markaasuu Yidhi Akhri Waxaana Soo Dagtay Markii Ugu Horeysay Quraankii, Ninka Ciijiyey Nabiga Waa Malag Jibriil (NNKH) Suurada Waa Iqra…..

َ قَلَ ي خ ِذَّ ال َكِ بَ ر ِمْ اس ِ ب ْرأ ْ اق    قَلَ ع ْنِ م َ ان َ نس ِ الإ َقَلَخ   مَرْكَ الأ َكُّبَرَ و ْأَرْ  اق

Kadibna  Malag Jibriil Waxa Uu Yidhi “Muxamadoow Ha Cabsan, Waxaad Tahay Rasuulkii Ilaahay”  Nabiguna Waa Baxay Markaasu Arkay Malag Jibriil Oo Suuradiisii Eebe Ku Sameeyey Ah, Waxaanu Ku Lahaa ”Waxaad Tahay Nabigii Umadan, Rasuulkii Ilaahay, Aniguna Waxaan Ahay Jibriil”.

Nabigu (N.N.K.H) Intii Uu Kusoo Jiray Jidka Ayaa Waxa Usujuuday Dhirta, Dhagxaanta Ayagoo Salaamaya Oo Leh “Nabadgalyo Korkaaga Ha Ahaato, Waxaad Tahay Rasuulkii Umadan” Nabigu Waxa Uu Yimid Gurigiisa Isagoo Warwarsan Kadibna Waxa La Kulantay Xaaskiisa Khadiija, Markaasbay Ku Tidhi Wajigaaga Waxa Ka Muuqda Warwar Ee Maxaa Ku Asiibay?

Nabigu Waxa Uu Ku Yidhi ” Ma Garanaysaa Malagii Iigu Iman Jiray Riyada Ayaa Ii Yimid, Oo Igu Dhahay Waxaad Tahay Rasuulkii Umadan” Khadiija (N.N.K.H) Waxay Ku Tidhi Nabiga ” Bushaarayso, Eebaan Ku Dhaartaa Waan Ogaa Inaanu Eebe Waxaan Wanaag Ahayn Kugu Samaynayn, Waanan Ogaa Inay Calaamadihii Nabinimadu Kaa Muuqdeen”

Khadiija Waxay U Kaxaysa Nabiga Nin Ay Adeerkeed Dhalay Oo La Dhaho Waraqa Ibnu Nowfal, Waxaanu Haystay Diintii Nabi Ciise (N.N.K.H). Khadiija Waxay Tidhi Waxaad Dhagaysataa Wiilkan Aad Adeerka U Tahay, Markaasu Nabigu Uga Waramay Wixii Uu Arkay, Waraqa Waxa Uu Ku Yidhi Nabiga ” Kaasi Waa Naamuuskii Kusoo Dagi Jiray Muuse Iyo Ciise Waana Malag Jibriil, Waxaanad Tahay Rasuulkii Umadan, Hadii Ay Da’daydu Yartahayna Waan Kuu Hiilin Lahaa Markuu Qoomkaagu Kusaarayaan.” Nabigu (N.N.K.H)  Waxa Uu Ku Yidhi ” Oo Miyey I Saarayaan” Waraqa Waxa Uu Yidhi “Ma Jiro Ruux Waxaad La Timid La Yimid Oon Qoomkiisii La Dagaalamain, Lana Coloobin”

Nabigu Isagoo La Fadhiya Xaaskiisii Khadiija Ayuu Istusay Malag Jibriil, Markaasuu Rasuulku Ku Yidhi Khadiija “Waan Arkaa Jibriil, Kadibna Waxay Ka Fadhiistay Dhanka Midig Iyo Dhanka Bidixba, Markaasay Waydiisay Inuu Wali Arko, Waxanu Ku Yidhi Wali Waan Arkaa, Markaasay Iska Qaaday Khamaarkii Ay Madaxa Ku Sidatay Oo Waydiisay Inuu Wali Arko Jibriil, Nabigu Waxa Uu Ku Yidhi Iminka Ma Arko, Khadiijina Waxay Ku Tidhi: Kaasi Maaha Shaydaan Ee Waa Malag Kariim Ah.

Maalin Kale Nabiga (N.N.K.H)  Oo Wado Maraya Ayaa Maqlay Cod, Waxaanu Fiiriyey Dhanka Midig, Bidix, Gadaal Iyo Xaga Horeba Waxba Waa Arki Waayey Markaasuu Eegay Xaga Samada Waxaanu Arkay Malagii Ugu Yimid Godkii Xiraa Oo Ku Fadhiya Kursi Samad Iyo Dhulka Dhexdooda, Waxaana Nabiga Qabatay Warwar Iyo Walbahaar, Markaasu Aaday Ehelkiisii Waxaanu Ku Yidhi “Idada Idada” Markaasay Dadeen Kadibna Waxa Soo Dagtay Suurada Mudasir.

اَهُّيَ ا أ َي  رِثَّ الم د  ْ رِ نذَأَ ف ْ ق م  ْ رِ بَكَ ف َكَّبَرَ و

Kadibna Waxa Si Isdaba Jooga Usoo Dagayey Waxyigii, Nabigana (N.N.K.H) Qalbigiisa Waa Dagay Oo Xasilay. Maalin Maalmaha Kamida Ayaa Malag Jibriil U Waxyooday Rasuulka (N.N.K.H) In Eebe Uu Salaamayo Khadiija, Looguna Bishaareeyo In Eebe U Dhisay Guri Jannada Ah.

LASOCO QEYBTA XIGTA IYO MAALINTA JIMCAHA AH INSHA ALLH,   So Saaristii Shabakada warqaat.com

Dhisidii Kacbada Iyo Qeybtii-8

ka Akhriso qeybtii 7

ka Akhriso 6

halkaan ka akhriso Qeybtii 5

halkaan ka akhriso Qeybtii 4

halkaan ka akhriso Qeybtii 3