SAWIRRO:-Wakiillada Q.M Iyo Midowga Afrika Oo La Kulmay Shariif Xasan…

1,623 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Wakiillada gaarka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira, ayaa Magaalada Baydhaba kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka labada dhibac ayaa diiradda lagu saaray khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen doorashada Madaxtinimada ee bisha soo socota ka dhaceysa degaannada Koofur Galbeed.

Shaiif Xasan ayaa tartan adag kala kulmaya musharrixiin badan oo ku sugan Baydhaba,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in uu cadaadis saaray Guddiga doorashada oo ay ka mid tahay in ololaha doorashada ay dib u dhigaan islamarkaana shuruudaha ku daraan in musharrixiinta qaar aysan tartamin,waxa kale oo ka mid ah in doorashada ka dhacdo Xarunta Wasaaradda Qorsheynta oo Madaxtooyadiisa ku dhextaalla taas oo shaki badan gelisay musharrixiinta kale.

Wakiillada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa todobaadkan billaabay dhexdhexaadinta dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada,waxaa ay Kismaayo kula kulmeen Madaxweynaha Jubaland,shalay waxaa ay Muqdisho kula kulmeen Madaxweynaha Hirshabeelle Maantana waxaa ay joogaan Baydhaba.