SAWIRRO: Safiirka UK ee soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay musharixiinta.

1,546 total views, 2 views today

Safiirka UK ee soomaaliya Davin Cocar ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha baarlmaanka koonfur galbeed soomaaliya cabduqaadir shariif sheekhunaa maye iyaga oo kawada hadlay masuuliyiin doorashada koonfur galbeed soomaaliya ee la doonayo inay dhacdo 17 bishaan aynu ku guda jirno.

Ambassador Concar ayaa dalbaday in doorashada koonfur galbeed soomaaliya ay u dhacdo si cad oo lagu kalsoonaan karo islaamrkaana lasoo buuxiyo tirada ka maqan guddiga doorashada ee koonfur galbeed.

Sidoo kale safirika dowladda uk ayaa kulamo la yeeshay musharixiinta xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyagoona kawada hadlay sidii doorasho xor ah uga dhici laheyd Koonfur Galbeed, looga gudbi lahaa caqabadaha iminka hortaagan koonfur galbeed.

Musharaxiinta ayaa la sheegay inay dalbadeen in dib loo dhigo doorashada koonfur galbeed soomaaliya si loogu diyaar garoowo taa badalkeedane ay dhacdo doorashao lagu kalsoonaan karo.