Sawirro:-Dalalka Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Kala Saxiixday Heshiisyo Dhowr Qodob Ah.

35 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Heshiiskaan Oo Ay Kala Saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya Iyo Itoobiya Waxa Ay Ku Sheegeen In Lagu Xoojinayo Iskaashiga, Xiriirka, Biyaha Iyo Qodobo Kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Ayaa Qoraal Ay Soo Dhigtay Barteeda Waxa Ay Ku Faah-Faahisay Muhiimadda Heshiiskaan Labo Geesoodka Ah Uu U Leeyahay Labada Dal.

Qoraalka Wasaaradda Ayaa U Qornaa:-

Soomaaliya Iyo Itoobiya Ayaa Yagleelay Markii Ugu Horreysay Taariikhda Guddi Wadaag Ah Oo Iskaashi Ah Si Loogu Saldhigo Xiriir Iskaashi Oo Sal Adag, Kaasi Oo Ku Qotoma Xushmad Is Dhaafsi, Daris Wanaag, Ilaalinta Iyo Xushmeynta Madax Banaanida Iyo Midnimada Si Siman Labada Dalba.

Labada Dhinac Ayaa Ka Wada Hadlay Arrimo La Xiriira Iskaashiga Laba Geesoodka Ee Dhinacyada Ammaanka, Dhaqaallaha, Biyaha Iyo Qodobo Kale Oo La Xiriira Xaaladda Gobolka Iyo Dunida.

Dhismaha Guddiga Wadaagga Ah Ayaa Loo Arkaa Tallaabo Muhiim Ah Si Loo Dhaqaajiyo Xiriirka Laba Geesoodka Ee Labada Dal Ee Deriska Ah Si Loo Horumariyo, Loona Agaasimo Qorshayaal Horumarineed Oo Cusub Oo Faa’ido Ugu Jirto Labada Dal.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya Abiye Axmed Ayaa Heshiisyo Lagu Xoojinayo Labada Dal Ku Kala Saxiixday Magaalooyinka Muqdisho Iyo Addis Ababa.