RW Kheyre Oo Balan Qaad U Sameeyay Ciyaartoyda Xulka Qaranka

715 total views, 1 views today

Ra’iisulwasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka kubadda cagta dalkeenna ee Xiddigaha Badweynta oo la cayaari doona xiggooda Ethiopia.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter,ayuu ra’iisulwasaare Kheyre ku yiri ‘Waxaan guul u rajeynayaaxulkeenna kubbadda cagta kulanka ay la yeelanayaan dhiggooda Ethiopia”

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiinta,shacabka iyo qarankuba ay taageero la garab taagan yihiin Xulka Qaranka.