Rumayntii Nabiga (N.N.K.H) Qeybtii -10

129 total views, 2 views today

  • Dumarka Waxa Ugu Hor Rumeeyey Khadiija Bintu Khuwaylid (N.N.K.H)
  • Raga Waxa Ugu Hor Rumeeyey Saaxiibkii Abuubakar Sadiiq (N.N.K.H)
  • Caruurta Waxa Ugu Hor Rumeeyey Inaadeerkii Cali Binu Abudalib (N.N.K.H)
  • Adoomada Waxa Ugu Hor Rumeeyey Sayid Binu Xaarisa (N.N.K.H)
  • Sidoo Kale Waxa Rumeeyey Waraqa Binu Noofal (N.N.K.H)

Markuu Islaamay Abuubakar Waxa Uu Diinta Ugu Yeedhay Dadkii Ka Ag Dhowaa, Iyo Saaxibadii Waxaana Gacantiisa Kusoo Islaamay Subayr Ibnu Cawaam, Dalxa Binu Cubaydillah, Cusmaan Binu Cafaan, Sacad Binu Waqaas Iyo Cabdiraxmaan Ibnu Cawf.

Diintu Si Yar Ayey Ku Faaftay, Dadkii Soo Hor Galay Islaamkana Waxa Eebe Ugu Yeedhay ” Sabiqiin Alawaluun”. Waana Saxaabadii Eebe Ka Raaliga Noqday.

Nabiga Waxa La Baray Qaabkuu U Wayso Qaadanayo Iyo Qaabka Loo Tukado, Sidoo Kale Waxa La Baray Salaadaha Xilliyada La Tukado, Salaaduhuna Waxay Ahaayen Laba Rakcadood Oo Kaliya.

Sadex Sano Waxay Dacwadu Ku Socotay Si Sir Ah, Kadibna Nabiga (N.N.K.H) Waxa La Faray Inuu Dacwada U Bandhigo Ehelkiisa Iyo Qaraabadiisa.

 َ ين ِبَرْقَ الأ َكَتَ ير ِشَ ع ْرِ نذَأَ      و َ ين ِنِمْ الم ؤ َنِ م َكَعَبَّ ات ِنَمِ ل َكَ اح َنَ ج ْضِفْ اخ َ    و َ ل ون َمْعَ ا ت َّ مِ م ٌ يء ِرَ ي ب ِ نِ إ ْ ق ل َ ف َكْوَصَ ع ْنِإَ ف

Nabiga Waxa La Amray Inuu U Digo Qaraabadiisa, Gaadhsiiyana Dacwada Iyo Risaalada Diinta Islaamka. Kadibna Waxa Uu Iskugu Yeedhay Qaraabadiisii Reer Bani Haashim Oo Ka Koobnaa 45 Nin, Intii Aanu Hadalka Bilaabin Nabigu (N.N.K.H) Ayaa Waxa Hadlay Adeerkii Abulahab Waxaanu Ku Yidhi:- “Muxamadoow Jooji Waxaad Wado, Waligay Hore Umanaan Arag Waxaad Wado” Nabigu (N.N.K.H) Waxa Uu Ku Yidhi Qoomkiisii “Eebaan Ku Dhaartee Waxaan Idiin Ahay Rasuul, Waydaan Dhimanaysaan Sidaad U Seexataan Oo Kale, Waana Laydin Soo Sarayaa Sida Aad Uga Soo Kacdaan Hurdada Oo Kale”

Adeerkii Abudaalib Ayaa Ku Yidhi “Wiilkan Adeerka U Ahaw, Waxaan Ka Jeclahay Diintaada Ma Jiro, Balse Ma Doonayo Inaan Badalo Diintii Aabahayo, Kuna Soco Dacwadaada Cidina Kuuma Soo Dhowaanayso” Abudaalib Iyo Walaalkii Abulahab Ayaa Hadalkoodii Isku Batay, Maraasu Rasuulku Ogaaday In Adeerkii Abudaalib Garabkiisa Yahay.

Markuu Nabigu Si Gaara Ugu Yeedhay Qaraabadiisii Ayuu Gudo Galay Inuu U Yeedho Dadka Kele Ee Dagan Magaalada Makkah, Kadibna Inta Uu Fuulay Buurta Safa Ayuu Iskugu Yeedhay Dhamaan Qabiiladii Daganaa Magaalada.

Nabigu (N.N.K.H) Waxa Uu Ku Yidhi “Qoomkaygoow Hadaan Idin Dhaho Buurta Gadaasheeda Cadaw Ayaa Idinka Soo Duulaya Ma I Rumaysanaysaan! Waxay Wada Dhaheen Haa, Oo Hore Kaagamaanan Tijaabin Been, Markaas Ayuu Nabigu Ku Yidhi Waxaan Idiin Ka Digayaa Cadaab Daran, Waxaanu U Yeedhay Qabiil Kasta Ugana Digay Naar Iyo Maalinta Aakhiro. Adeerkii Abulahab Ayaa Ku Yidhi Hoog Ku Sugnaaye Ma Waxaasaad Iskugu Kaayo Yeedhay, Markaas Ayey Soo Dagtay Suurada Al-Masad.

   )١( َّبَتَ  و ٍ۬بَهَ ى ل ِبَ أ ٓاَدَ ي ۡتَّبَت ( ال ه َ ه  م ۡنَ ع ٰىَنۡغَ أٓاَم  ٍ۬ )٢ َبَسَ ا ڪ َمَ ۥ و بَهَ ل َ اتَ ا ذ ٍ۬ ار َ ن ٰىَلۡصَيَ س

Reer Qureesh Waxay U Dacwad Tageen Nabiga Adeerkii Abudalib, Waxayna Ku Dhaheen ” Wiilkaad Adeerka U Tahay Waxa Uu Caayey Ilaahyadayadii, Waanu Ceebeeyey Ee Lahadal Ama Nagu Fasax” Abudaalib Waxa Uu Uyeedhay Nabiga (N.N.K.H) Kuna Yidhi Wiilkaygoow Qoomkaagii Way Ii Yimaadeen Ayagoo Kaa Dacwoonaya Ee Ka Jooji Dacwada Aad Wado, Nabigu Waxa Ugu Jawaabay “Eebaan Ku Dhaartay Hadii Ay Qorraxda Saaraan Gacantayda Midig, Dayaxan Saaraan Gacantayda Bidix Kama Tagayo Diintaydan” Kadibna Waa Iska Dhaqaajiye Rasuulku (N.N.K.H).

 Abudaalib Ayaa Ka Dab Yeedhay Nabiga Kuna Yidhi ”Wiilkaygoow Sii Wad Dacwadaada, Inta Aan Noolahay Kuma Soo Gadhayaan”. Sidoo Kale Wiilkiisa Cali Ibnu Abudaalib Maysan Gaadhsiin Karayn Wax Dhiba, Sababtoo Ah Waxa Ka Difaacaya Aabihii Abudaalib. Nabigu Waa Ku Farxay Hadalkii Adeerkii Waanu Sii Waday Faafintii Diinta Islaamka

LASOCO QEYBTA XIGTA IYO MAALINTA JIMCAHA AH INSHA ALLH,   So Saaristii Shabakada warqaat.com

Soo Diridii Rasuulka (N.N.K.H) Iyo Qeybtii 9

Dhisidii Kacbada Iyo Qeybtii-8

ka Akhriso qeybtii 7

ka Akhriso 6

halkaan ka akhriso Qeybtii 5

halkaan ka akhriso Qeybtii 4

halkaan ka akhriso Qeybtii 3