RASMI: Mohamed Salah oo Qandaraaska u kordhiyay Liverpool

14 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah Ayaa Saxiixay Qandaraas Cusub Oo Shan Sanno Ah Oo Uu Kula Sii Joogayo Kooxda Reds.

26 Jirkaan Reer Masar Ayaa Ku Biiray Liverpool Oo Bixisay Lacag Gaareysa 34 Milyan Oo Gini Xagaagii Hore, Waxaana Uu Dhaliyay 44 Gool 52 Kulan Oo Uu U Saftay Kooxda.

Heshiiska Cusub Oo Socan Doona Illaa 2023, Laguma Cadeyn Qiimo Lagu Burburin Karo.

“Waxa Ay Si Cad U Muujineysaa Arintaan Inuu Aaminsan Yahay Liverpoool” Ayuu Yiri Tababaraha Kooxda Jurgen Klopp.

Salah Ayaa Ahaa Gooldhaliyihii Ugu Sareeyay Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkii Lasoo Dhaafay, Isagoo Dhaliyay 32 Gool Oo Horyaalka Ah.

Heshiiskaan Cusub Ayaa Meesha Ka Saaraya Warar Xan Ah Oo Ciyaaryahanka Masar La Xiriirinayay Kooxda Real Madrid.