Maxaakasoo Baxay Kulanka Sheekh Shaakir Iyo Xildhibaanada Galmudug Ee Magaalada Dhuusamareeb…

3,635 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—-Wararka Warqaat.Com  Uu Ka Helayo, Magaalada Dhuusamareeb Ayaa Sheegaya In Xalay Kulamo Is Daba Joog Ah Ay Yeesheen Qaar Kamid Ah Xildhibaanada Galmudug Qaybta Ku Sugan Magaaladaas Iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xildhibaan.

Qaar Kamid Ah Xildhibaanada Ayaa Warqaat U Sheegay In Kulanka Looga Hadlayay Khilaafka Cusub Ee Ka Dhex Dhashay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Iyo Madaxa Xukuumadda Shiikh Maxamed Shaakir.

Khilaafka Ayaa Ka Dhashay Gogosha Madaxweynaha Dowladda Federaalka Uu U Dhigay Madaxda Maamul Goboleedyada Si Dowladda Ay U Dhageysato Cabashooyinka Madaxda Maamul Goboleedyada, Balse Uu Kahor Yimid Madaxweyne Xaaf.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Ayaa Habeen Kahor Soo Dhoweeyay Gogosha Dowladda Ay Dhigtay, Isaga Oo Xaaf Ku Khilaafay Go’aankiisa.

Waxaa Maanta Lagu Wadaa In Uu Warbaahinta La Hadlo Shiikh Maxamed Shaakir, Isaga Oo La Wadaagayo Kulamadii Xalay Iyo Waxyaabihii Kasoo Baxay.

Wararka Qaar Ayaa Sheegaya In Khilaafkaan Uu Ka Horeeyay Mid Ka Dhashay Magacaabistii Wasiirada Galmudug Ee Uu Dhowaan Magacaabay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xildhibaanada Qaarkood Ayaa Sheegay In Madaxweyne Xaaf Ay Kala Hadlayaan Sidii Uu Aqbali Lahaa Ka Qaybgalka Gogashada Dowladda Federaalka Ay U Dhigtay Madaxda Maamul Goboleedyada, Hadii Aan Sidaa Dhicinna Ay Go’aan Ka Qaadan Doonaan Hogaanka Galmudug.

Waxaa La Wada Dhowrayaa Hadalka Shiikh Shaakir Ee Maanta La Filayo In Uu Ku Faah-Faahiyo Kulamadii Xalay Uu La Qaatay Xildhibaanada Galmudug Garabka Dhuusamareeb Ku Sugan Oo Ay Kaga Go’aan Gaarayeen Wada Hadalka Dowladda Federaalka Ugu Baaqday Maamul Goboleedyada, Si Looga Xaajoodo Tabashooyinkooda.