Magaalooyin Ka Tirsan Dalka Jabuuti Oo Biyo La’aan Soo Wajahday…

131 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Wararka Naga Soo Gaaraya Dalka Jabuti Ayaa Sheegaya In Biyo La’aan Xoog Lihi Ay Soo Wajahday Dadka Ku Nool Degmada Balbala Ee Magaalada Jabuti.

Biyo La’aantani Ayaa Kusoo Beegantay Xilli Cimilada Magaalada Jabuti Ay Aad U Kulushahay.

Dhibaatadani Biyo La’aanta Ayaa Waxaa Ka Hadlay Agaasimaha Waaxda Maareynta Biyaha Ee Wakaaladda Biyaha Djibouti, Ridwan Cabdillahi Bahdoon,Waxaana Uu Sheegay In Ay Tahay Mid Darn.

Sidoo Kale Waxa Uu Sheegay In Ay Sameeyeen Gurmad Kala Duwan,Isla Markaana Ay Booyado Dhowr Ah Biyo Ku Geynayeen Xaafado Dhowr Ah Oo Ka Tirsan Degmada Balbala Oo Ay Degan Yihiin Dadka Biyo La’aanta Heysato.

Waxa Uu Rajo Wanaagsan Ka Muujiyey In Haatan Laga Baxo Biyo La’aanta Heysata Shacabka Dalka Jabuuti.