M/weynaha Kenya oo laga dalbaday inuu wax ka qabto dhibaatada ciidankiisa ka geystaan Soomaaliya

Incumbent President Uhuru Kenyatta speaks after he was announced winner of the presidential election at the IEBC National Tallying centre at the Bomas of Kenya, in Nairobi, Kenya August 11, 2017. REUTERS/Thomas Mukoya - RTS1BEZ4

25 total views, 1 views today

Siyaasiga Faarax Macalin ayaa sheegay ciidanka dowladda Kenya ee aan qeybta ka aheyn hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM inay dhibaatooyin kala duwan ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay kordheen dilalka iyo gabood falada ciidanka Kenya ka geystaan Soomaaliya, wuxuu tusaalo ahaan u soo qaatay dhawr dhacdo oo ciidanka Kenya ay ku dhibaateeyeen dad rayid ah oo ku sugnaa degaano ku dhaw xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagan.

Faarax Macalin ayaa sheegay dhibaatooyinka ay geystaan ciidanka Kenya in sidoo kale ay qeyb ka tahay inay burburiyeen xarumo isgaarsiineed, isaga oo tilmaamay in ilaa hadda aanay jirin cid arrimahaasi wax ka qabatay.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayuu ka dalbaday inuu qaado talaabo uu wax kaga qabanayo dhibaatada ay wadaan ciidankiisa, islamarkaana uu magdhow ka bixiyo dhibaatada ciidanka Kenya ay u geysteen rayidka.

Ciidanka Kenya ee sugan Soomaaliya gaar ahaan dhanka xuduuda ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay geysteen dhawr dhacdo oo ay ku dileen rayid, islamarkaana ay ku gubeen shirkado isgaarsiineed, weli ma jirto cid kula xisaabtantay.