Heesaa Kirishtaan Ah Oo Qaadatay Diinta Islaamka

3,638 total views, 2 views today

(Warqaat.com)—Heesaa Sinead O’Connor ayaa sheegtay inay isaga baxday Kirishtaanka, gaar ahaan Katoolik (Catholic).

Qoraal Ay Twitter-keeda soo dhigtay ayey ku shaacisay inay Muslimad tahay, isla markaana magaceedii hore iska bedeshay, lana magac baxday Shuhadaa’ Devitt.

Waxay kaloo Twitter-keeda ku qortay inay ku faraxsan tahay inay Muslim noqoto, waxayna u mahad celisay dhamaan Walaalaha Muslimiinta (Rag iyo Dumar).

Waxay intaasi ku dartay inay ku faraxsan tahay inay ka mid noqoto Mujtamaca Muslimiinta (Muslim Community)