Gantaalaha Lawada Cal Maday Ee S-400 Oo noqodeen Hub Dalkii Aan Haysan….

113 total views, 2 views today

(Warqaat.com)—Gantaalahan Waxa Dalka Ruushka Looga Yaqaano Magacyo Kala Duduwan, Waxaana Ka Mid Ah Nabad Sugida Cirka, Ka Hor Taga Ah Waxkastoo Duulla Iyo Kuwa Kale.

Balse Ruushka Oo Kaliya Maahee Dunida Oo Dhan Xataa Maraykanka Ayaa Waafaqay Inay Yihiin Gantaalaha Ugu Fiican Ama Ugu Horumarsan Ee Arlada Gudahooda Yaala Ee Dhanka Difaaca.

Shirkada Dalkaas U Qaabilsan Arimaha Difaaca Iyo Dayax Gacmeedyada Ee La Dhaho Almaz-Antey Ayaa Hagaajisay Soona Horumarisay Gantaalahan, Ilaa Iyo Sanadkii 1990kii, Waxay Soo Mareen Marxalado Kala Duduwan 2007dii Ayeey Shirkadan La Dhaho Almaz-Antey Xaqiijisay In La Joogo Wakhtigii Ruushku Ku Tookhi Lahaa. Waxana Judhiiba Lagu Hubeeyey Ciidamada Ruushka Ee Cirka, Waxana Lagu Rakibay Dhamaan Xuduudaha Baddaha Iyo Berigaba Ee Dalku La Lee Yahay Dalalka Ay Xurgufta Leeyihiin Ee Ku Jira Jimciyadda NATO.

Dalal Badan Ayaa Haatan Tartan Ugu Jira Inay Gataan, Madaxa Gantaalaha Col. Dmitry Wuxuu Yidhi” Xataa Shinbir Waa Soo Ridayaan,”, Wuxu Kaloo Yidhi In La Diyaar Garoobow Uma Baahna Wakhti Dheer, Mudo Shan-Daqiiqo Gudahood Ah Ayaa Lagu Diyaarin Karaa In La Gamo, Si Ay U Caabiyaan Hujuunka Cadowga””.

Wuxuu Intaas Ku Daray Sadex Qof Ayaa Ku Filan Hawshoodoo Dhan. Gantaalaha Mucjisooyinka Ay Wataan Waxaa Ugu Daran Ayagaa Raadsanaya Bartilmaameedkooda, Xataa Waxa Ku Xidhan Qalab Kala Kasaya Diyaaradaha Militaryga Iyo Kuwa Rayidka Ah, Gantaalahana Wey Roorsanayaan, Ka Dibna Ayagaa Burburinaya Inteey Dulaalaan.
Waxay Kaloo Soo Mareen Dhawr Marxaladood Oo Magayacyo Iyo Meeqaamyana Waa Kala Leeyihiin.
Dalalka Hada Safafka Ugu Jira Waxaa Ka Mid Ah.
Turkey, India, Qaddar, Iran,Syria Oo Heshay, Sucuudiga China, Pakistan Iyo Dalal Kale Oo Weli Ka Fekeraya.
Waxa Kaloo Xiisa Leh Dalalka Ku Hubaysan Gantaalaha Difaaca Ee Maraykanka Ee Patriot Ayaa Xataa U Rucleynaya S-400. Maxaa Yeelay Waxay Aaminsan Yihiin Inaan La Haweysan Karin Hawada Dal Haysta S-400.

La Soco Qormooyin Xiisa Badan Oo Kookooban Kolkasta.

Soogud Bintii Shabakada Warqaat.com

QORAAGA :- ENG Suleiman Hashi