Dowlada Iiraan Oo Shuruud Ku Xirtay Kulanka Madaxweyne Xasan Ruuxaani Iyo Donald Trump…

43 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Xamiid C/Talebi Oo Ah La-Taliyaha Madaxweynaha Iiraan Waxa U Umaanta Sheegay In Kulan Kasta Oo Ay Maraykanka La Yeeshaan Ku Xiran Tahay In Dib Loo Soo Celiyo Heshiiskii Nukliyeerka Iiraan Ee La Saxiixay Sannadkii 2015-Kii, Kaasi Oo Ay Dowladda Maraykanka Qaadacday Bishii May Ee La Soo Dhaafay..

Qoraal Uu La-Taliyahaasi Soo Dhigay Barta Uu Ku Leeyahay Twitter-Ka Waxa Uu Ku Sheegay In  Wada-Hadalka Uu Ku Baaqay Madaxweynaha Maraykanka Suurto-Gal Noqon Karto Haddii La Xushmeeyo Dalka Weyn Ee Iiraan, La Yareeyo Colaadda Iyo Inay Maraykanka Ku Soo Laabtaan Wada-Xaajoodka Heshiiska Nukliyeerka Iiraan.

Hadalka La-Taliyaha Madaxweynaha Iiraan Waxa Uu Jawaab U Ahaa Hadalkii Uu Madaxweyne Donald Trump Ku Sheegay  Inuu Doonayo Inuu La Kulmo Dhigiisa Iiraan Waqti Kasta Oo La Doonayo Shuruud La’aan