Dhakhtar Sakhraansan oo qalliin ku dilay hooyo iyo canugeeda

181 total views, 1 views today

Booliska dalka Hindiya ayaa shaacisay in Dhakhtar ka hawlgala Cisbitaal ku yaalla gobolka Gujarat ee galbeedka dalka Hindiya xabsiga la dhigay ka dib markii isaga oo khamraysan uu qaliin ku sameeyay haweenay xaamilo ah.

Hooyadii iyo Ilmihii yaraa ee Caloosha ku jiray ayaa labadda geeriyooday.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in qalabka lagu baaro darooga uu u xaqiijiyay in dhaktarka uu khamri cabay.

“Waxay hadda baaritaan ku sameynayaan in haweeneyda ay dayac u dhimatay ama ay eersatay xaalad caafimad oo soo wajahday’ ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska.

Dr PJ lakhani wuxuu ka mid yahay dhakhaatiirta ugu khibrada badan dalka Hindiya wuxuuna 15 sano ka shaqeynayay cisbitaal ay dowladda maamusho.

Kamini Chachi, ayaa la keenay cisbitaalka galankii dambe ee Isniintii iyadoo foolanaysa.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheetay in qoyska oo ka warsugayay natiijada qaliinka lagu wargeliyay in cunugii uu dhintay, hooyadiina ay aad u dhiig baxayso.