Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf Oo Golihiisa Wasiirada Kala Hadlay Shir Uu Dhawaan Ka Qeyb Geli Doono…

27 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Ayaa Magalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud Waxa Uu Kulan Deg Deg Ah Kula Yeeshay Xubno Ka Tirsan Golihiisa Wasiirada.

Kulanka Ayaa Intiisa Badan Ahaa Mid Xog-Wareysi Ah,Sidoo Kalena Wadatashi Uu Kala Sameynayey Madaxweyne Xaaf Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Oo Dhawaan Ka Furmaya Kismaayo.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamuud Aaden Cusmaan (Masegawaay) Oo Kulanka Kadib Warbaahinta La Hadlay Ayaa Sheegay In Inta Badan La-Isku Afgartay Qodobadii Ay Uga Hadleen  Kulanka Labada Dhinac.

Waxa Uu Sheegay In Shirka Diirada Lagu Saaray Ajandayaashii Ay La Tegi Lahaayeen Madaxda Galmudug Shirka 9-Ka Bishaan La Filayo In Uu Ka Furmo Magalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug.