DHAGAYSO:-”Waxaan Kala Caddayn Doonaa Cid Kasta Oo Sheeganaysa Iney Dastuurka Ka Shaqeeyso” Guddoomiye Mursal..

30 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa Waxa Uu Sheegay In Ay Bilaabi Doonaan La-Xisaabtanka Hay’adaha Ka Shaqeeya Dib U Eegista Dastuurka Dalka Si Loo Kala Cadeeyo Shaqadooda.

Waxa Uu Sheegay In Qorsuhu Yahay In Ay Soo Diyaariyaan Liiska Hay’adaha Ka Shaqeeya Dib U Eegista Dastuurka Ha Ahaadaan Kuwo Caalami Ah Iyo Kuwa Gudaha Dalka Ka Shaqeeya Iyo Waxyaabaha Ay Qabtaan.

Sidoo Kale Waxa Uu Hadalkiisa Intaasi Ku Daray Inay Ku Dadaali Doonaan In La Soo Dhameystiro Xubnaha Ka Maqan Guddiga Madaxa-Banaan Ee Dib U Eegista Dastuurka Oo Laga Sugayo Dowlad Goboleedyada.

DHAGEEYSO CODKA