DAAWO SAWIRADA: R/Wasaare Kheyre oo dhagax dhigey xarunta Baarlamaanka Hirshabelle iyo Xarumo kale

155 total views, 1 views today

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlada Goboleedka Hirshabeelle ayaa dhagax dhigey xarunta cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, madaxwaynaha Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ku-xigeenkiis iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hir-shabeelle.

Halkan ka Akhriso