Ciidamadii Ugu Badnaa Oo La Gaynayo Wadada Xiriirisa Jowhar Iyo Xamar…..

56 total views, 1 views today

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale Ayaa Sheegay In Wasaaradu Ay Diyaarisay Qorsho Wax Looga Qabanayo Amniga Degmada Balcad Iyo Tuulooyinka Hoostaga.

Waxa Uu Sheegay Wasiirka In Wadada Xiriirisa Balcad Iyo Jowhar Maalmahaan Ay Soo Badatay Weerarada Shabaab Ka Geysanayaan  Isla Markaana Aan Loo Dulqaadan Doonin Weeraradaas.

Isaga Oo Sii Hadlayay Ayaa Waxa Uu Sheegay In La Diyaariyay Ciidamadii Ka Howlgeli Lahaa Wadadaas Si Ay Amniga U Xaqiijiyeen, Isla Markaana Shacabka Laga Doonayo Ay Ay Garab Siiyaan Ciidamada.

Bilihii La Soo Dhaafay Ayaa Waxaa Dhibaato Lagu Qabay Wadada Isku Xirta Balcad Iyo Jowhar Kadib Markii Ay Al-Shabaab Ka Fuliyeen Weeraro Jidgal Ah,Waxana Dhawaan La Geeyay Ciidamo Milateri Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.