Booliska Tanzania Oo Xabsiga Dhigay Nin Soomaali Ah

3,536 total views, 5 views today

(Warqaat.com)—Booliska Gobolka Tanga Ee Dalka Tanzania Ayaa Xabsiga Dhigay Nin Soomaali Ah Iyo Labo Qof Oo Kale Kuwaas Oo Lagu Eedeeyay In Dad Tahriibayaal Ah Ay Sharci Darro Ku Gelinayeen Gudaha Dalkaas.

Edward Bukombe, Oo Ah Taliyaha Booliska Gobolka Tanga Ayaa Sheegay In Ninka Soomaaliga Ah Lagu Magacaabo Yaxye Maxamed Iyo Labo Qof Oo Kale Oo Lagu Kala Magacaabo Mussa Ramadhani Iyo Erick Chomba,Kuwaas Oo Deggan Degmada Muheza.

Waxaa Lagu Soo Eedeeyay In Iyaga Oo Adeegsanaya Basaska Sharikadda Gawaarida Ee RATCO Bus Company, Ay 30 Qof Oo Soo Galooti Ah Geliyeen Magaalada Darasalaam Iyaga Oo Aan Heysan Ruqsad Ama Oggolaansho.

Dadka Ay Tahriibinayeen Ayaa U Kala Dhashay Dalalka Soomaaliya,Kenya Iyo Itoobiya,Waxaana Qaarkood Magacyadooda Lagu Kala Sheegay; Mohamed Mohamed, Salimu Bakari ,Said Bakari, Ali Hassain , Ali Ibrahim,Iskae Ambaba, Anore Iyela , Maasam Abaine, Mishamo Asafa, Adise Dasta, Ndamise Anitho, Ndamankya Manama, Sugamo Arificho, Degela Tedera, Geretu Aragha, Murkan Segai, Emanuel Adinho, Sendeka Aladama, Malesa Tumiso , Biamo Erisado, Melkamu Halye,  Tedk Ademu, Hafebo Demise , Legiso Emanuel,  Ligiso Mesele, Mandaro Demeke, Shemebo Eyasu,  Mesamo Abayneh, Lemboro Tigabu ( Iyo Asfawu Solomoni.