Banaanbax looga soo horjeedo Axmed madoobe oo ka dhacay Garbahaarey

881 total views, 5 views today

Dibad bax looga soo horjeedo madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka dhacay Magaalada Garbahaarey ee Gobalka Gedo, kaasi oo la sheegay inuu yimid kadib markii la sheegay in Madaxwayne Axmed madoobe uu magaaladasi ku wajahanyahay.

Waxaana banaanbaxan soo qaban qaabiyey xubno ka kala socda ururada dhallinyarada iyo haweenka degmadaasi, iyadoona ay ka qeyb galeen Boqolaal ruux.

Banaanbaxayaasha ayaa socod ku soo maray dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Garbahaarey, iyaga oo ugu dambeyn isugu yimid meel fagaare ah.

Dibad baxayaasha ayaa ku dhaawaqaya Ereyo ay uga soo horjeedaan Maamulka Axmed Madoobe , waxaana la soo warinaya in laga cabsi qabo rabshadao in ay ka dhashaan dibad baxa ka socda garbahaareey.