AKHRISO: Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday iyo Dacwad laga gudbiyay Gudoomiye Cawad

3,337 total views, 1 views today

Kulankii Golaha Shacabka ayaa maanta markii labaad baaqday iyadoo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay dacwo ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ay u gudbiyeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Gudoomiye Cawad in uu ku xadgudbay Sharafta xildhibaanada Golaha Shacabka ka dib markii uu diiday aqbalida Warbixin ay soo gudbiyeen Guddiga Maaliyadda Soomaaliya oo ku aadaneyd Musuqmaasuq.